|
Khartuum, (insidesomalia.org) - Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Dalka Sudan ayaa ka hadlay heshiiskii ay Isbahaysiga iyo Dowladda ku gaareen dalka Jabuuti.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid dhibaatooyinka dalka ka jira meesha ka saaraya, ayna Soomaalidu aad u soo dhaweynayso, isagoo xusay in heshiiska dhaqangelintiisa ay ku dadaalayaan dhankooda.
"Heshiiska waa mid aan ku doonayno in dhibaatada ka jirta Soomaaliya la dhameeyo, waxaana diyaar u nahay in wax walba aan nabad ku badalno" ayuu yiri Sheekh Shariif.
Guddoomiyaha Isbahaysiga ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay isagu heshiiska la gaaray, uuna wax ka og yahay, isagoo markaas ka af-celinayay sida uu isagu shaqsiyan u arko heshiiska lagu gaaray Jabuuti.
Mar la weydiiyay booqashada uu ku joogo dalka Sudan ayuu ku sheegay inay tahay mid uu kaga dhaadhicinayo madaxda dalkaas halka uu heshiisku marayo, xaalada ka jirta Somalia iyo sidii ay dalalka Afirkaanka ah uga qaybqaadan lahaayeen xasilinta Soomaaliya.
Sheekhu wuxuu sheegay inuu dadaal weyn u galayo sidii uu taageero Carbeed iyo mid caalami ah loogu heli lahaa dhaqangelinta heshiiska lagu gaaray dalka Jabuuti, isagoo xusay inuu dhiman yahay saxiixii dalka Sucuudiga oo dhawaanahan dhacaya.
|